Muqdisho(INO)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay wadooyinka xiran ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay sababaha wadooyinka ay u xiran yihiin inay tahay arimo amni awgeed.
Muddooyinkii dambe waxaa sii kordhay wadooyinka Muqdisho ee masuuliyiinta Dowladda ay xiranayaan, weliba ilaa Xaafadaha dhexdooda oo masuul waliba oo Dowladda ka tirsan Darajada uu doono ha watee inuu xirto wadada gurigiisa horumarta oo dhagxaan waaweyn uu ku jaro.
Xasan Sheekh Maxamuud oo Qiil u sameynaya xirnaanshaha wadooyinka Muqdisho ayaa sababta ku sheegay inay tahay falalka amnidarada ee Shabaab ay ka geystaan Muqdisho inay keentay Xirnaanshaha wadooyinka.
Iyadoo wadooyinka ay xiran yihiin walibana dhagxaan waaweyn ay yaalaan ayeey Shabaab Muqdisho ka fuliyaan qaraxyo iyo dilal qorsheysan.
Madaxweynaha ayaa sheegay wadooyinka xiran inaysan ka xirneyn isu socodka dhanka lugta ah ee Bulshada, balse ay ka xiran tahay kaliya isu socodka gaadiidka.
“Jidadka waxa ay u xiran yihiin amni daraadiis ee ujeedo kale uma xirna, meelaha jidadka laga xiray dhan waa meel muhiimadeed leh, dalka iyo dadka dhan waa wada muhiim, meel xun iyo meel fiican malahan, laakiin waa ay sii kala muhiimsan yihiin, xubnaha jirka Bini’aadamka sida ay u sii kala muhiimsan yihiin ayuu amniga u sii kala muhiimsan yahay, jidgooyada taala waa mid baabuurta u taal dadka jidgooyo uma taalo inay socdaan, jidadka halbowlaha ah waa furan yihiin tusaale kan dekada ka soo baxa ee Suuqa gala waa furan yahay.” Ayuu yiri Madaxweynaha
Khubadarada ammaanka Dowladda ayuu sheegay inay ku taliyeen in wadooyinka qaar ee Muqdisho loo diido inay maraan gaadiidka, balse waxa uu sheegay in taasi ay tahay dhibaato, laakiin Duruuf amni ay keentay.
“Jidadka qaarkood Baabuurta inay maraan waan ka xirnay sida Khubarada amniga ay ku taliyeen, dadka kama xirna jidka Gaadiidka qaarkood ayaan ka xirnay, arintaasi waa arin xanuun badan, laakiin Duruufta amniga ayaa keentay.”
Qaraxii ugu dambeeyay ee Shabaab ay ka geysteen Muqdisho oo dhacay talaadadii aan soo dhaafnay ayaa gaari xamuul ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu dhuftay Darbiga Hotelka SYL oo ka soo horjeeda Madaxtooyada Somaliya, gaadiidka xamuulka ayaa horay looga mamnuucay inay maraan wadada horumarta Madaxtooyada Somaliya.