Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay baaqii ay usoo jeediyeen Xildhibaanada oo ahaa inuu xilka iska Casilo maadama ay ku Eedeeyeen inuu ku fashilmay hogaanka dalka.
Madaxweyne Xasan oo hadal ka jeediyey Munaasabad lagu Xusayey Maalinta dhalinyarada Somaliyeed ee S.Y.L ee sanad walba la xuso 15-ka May oo xalay ka dhacday Muqdisho ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo wax walbo oo dhaliilo loo soo jeediyo inay ka jawaabaan isaga iyo labada nin saaxibadiis ah oo ula jeedo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisalwasaaraha.
Waxa uu sheegay Xasan Sheekh kuna cel ceiyay mar kale inuu diyaar uyahay inuu la fariisato Xildhibaanada walaalaha ah ee dhaliilsan shaqadiisa isagoona cod dheer ku sheegay in hadii ay ku cadaato waxyaabaha loo soo jeediyey in uu aqbalayo baaqii ahaa inuu is Casilo.
Idale News Online.