Muqdisho (INO)—Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ay qancin doonaan Beelaha qaar iyo Siyaasiyiinta Soomaliyeed ee dhaliilsan qodobadii ka soo baxay Shirarkii Madasha Wadatashiga Qaran.
Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa cod-dheer waxuu ku sheegay in la dhageysan doono cid walba oo wax ka tabaneysa qodobadii laga soo saaray Shirarka Madasha Wadatashiga.
Waxuu qeexay Madaxweynaha Soomaaliya in ay jiri karaan dhaliilo loo jeedinayo qodobadii ka soo baxay Shirarkasi, isagoona hoosta ka xariiqay in cidkasta oo wax ka tabaneysa qodobadaasi ay miiska wada hadalka isugu imaan doonaan.
Hadalka Madaxweynaha ayaa waxuu daba socda kulamo uu Shalay Magaalada Muqdisho kula qaatay Wafdi ka socday Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.
Xubnahaasi ka socday Qaramada Midoobay ayaa u yimid Caasimada Soomaaliya, sidii Madaxda Dowladda ay uga xaqiijin la haa qabsiimida doorashada la filayo in dabayaaqada Sanadkan ay ka dhacdo Dalka Soomaaliya.
Sikastaba, Shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir ayaa saluugsan qodobadii ka soo baxay Shirarkii Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho.
Idale News Online, Muqdisho