Madaxweyne Xasan Sheikh oo saaka ka qeybgalaaya caleemo saarka Barlamaanka cusub ee Jubaland

0
215

Kismaayo(INO)-Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafdi balaaran oo la socda ayaa saaka magaalada Kismaayo uga qeyb galaaya xaflada caleemo saarka dhismaha barlamaanka cusub ee Jubaland. Waxaana dhanka kalena magaalada Kismaayo oo ay xafladaasi ka dhaceyso ka socdo diyaar garow lagu soo dhaweynaayo wafdiga madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,  qaar ka mid ah masuuliyiin ka socota maamul goboleedka Puntland iyo wafuud ka socota beesha caalamka gaar ahaan madax ka socota xafiiska siyaasada ee qaramada Midoobey ee Somalia, Urur goboleedka IGAD, AMISOM iyo kuwa kale.

madaxweynaha-safar

Ka qeybgalka Madaxweynaha uu ka qeybgalaayo caleema saarka barlamaanka cusub ee uu yeelanaayo Jubaland ayaa ku soo aadeyso iyadoo qaar ka mid ah xildhibaanada dowlada dhexe oo Soomaaliya ay uga digeen madaxda sare ee dowlada ineysan ka qeyb galin wax aan waafaqsaneyn sharuucda dalka iyo rabitaanka shacabka gobolada Jubooyinka iyo Gedo .

Baaqa qaaar ka mid ah xildhibaanada dowlada dhexe jeediyeen ayaa u muuqda in uusan madaxweynuhu dheg jalaq u siinin, waxaana muuqata in awooda xildhibaanada  iyo xukuumada Soomaaliya ay sii wiiqmeyso halka madaxda maamul goboleedyada dalkuna ay yeelanaayo awooddo u gaar ah oo waxii ay rabaan ku fushan karaan.

Idale News ONline, Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here