Nairobi (INO)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta la filayaa inuu booqasho ku tago xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya oo ay ku nool yihiin Soomaali badan oo qaxooti ah.
Safarka Xasan Sheikh Maxamuud ayaa qaadan doono muddo labo maalin ah waxaana marka hore uu tagayaa xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya oo ay ku nool yihiin Soomaali ka walaacsan hadalkii kasoo yeeray dowlada Kenya.
Kadib ayaa la sheegay in Xasan Sheikh uu u gudbi doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya si uu ula kulmo madaxda dowlada Kenya oo go’aan ku gaaray iney xerayaan xeryaha Dadhaab ee dalka Kenya.
“Safarka Madaxweynaha waxa uu ku saabsan yahay Koow Madaxweynaha Dhadhaab ayuu imaanayaa, waa markii ugu horeysay oo Madaxweyne Somaliyed uu soo booqdo Qaxooti Somaliyed oo tiradooda intaasi la eeg tahay oo Dibada ku nool”.
“kadib dhadhaab markii uu tago oo xaalada uu ogaado, kadib ayuu Nairobi u soo gudbi doonaa oo halkaasi wada hadalo rasmi ah kula yeelan doonaa Madaxda Kenya, maalinta talaadada ah, kadibna dalka ayuu ku noqon doonaa.” Ayuu yiri Safiir Jamaal.
Kenya ayaa ku adkeysaneysa go’aankii ay ku sheegtay iney ku xireyso xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya oo ay ku nool yihiin kumanaan qaxooti Soomaaliyeed.
Idale News Online, Muqdisho