Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud Oo Raba Inuu 4.5 Ku Qeybiyo Gobolka Banaadir + Xubnaha DM

0
404

Muqdisho(INO)- Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa doonaya in maqaamka gobolka Banaadir uu noqdaa mid lagu qeybiyo hab qabiileed oo wakiilo matalaya beelo kala duwan ay ka mid noqdaan xildhibaanada baarlamaanka.

Shirka madasha ee u dhaxeeya madaxda dowlada iyo maamul goboleedyada ayaa la doonayaa in lagu qanciyaa madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo go’aankooda yahay in hishiiskii hore aan waxba lagu darin.

Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheikh uu doonayo in lix xubnood oo matalaya gobolka Banaadir ay kamid noqdaan baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan aqalka sare.

Lixda Xubnood ayaa waxaa kala qaadan doono beelaha gobolka Banaadir Waxaana la qorsheeyay in loo qeybiyaa sida tam:

  1. Hawiye labo xubnood
  2. Daarood Hal xubin
  3. Isaaq hal xubin
  4. Digil hal xubin
  5. Beelaha Shanaad Hal xubin

Ugu dambeyntii, Qorshahaan ayaa ah mid la doonayo in lagu qanciyaa madaxweyne Axmed Madoobe iyo C/welli Gaas oo si weyn kaga soo horjeedo in wax ka badal lagu sameeyo hishiskii bishii April lagu saxiixay magaalada Muqdisho.

Idale News Online, Muqdisho