Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iska fogeeyey eedo uga yimid Qaramada Midowbay, gaar ahaana gudiga uqaabilsan la socodka xayiraada hubka ee saran Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso
Madaxweyne Xasan Sh ayaa diiday in uu Lataliye unoqday Muuse Ganjab, oo ay Warbixintu sheegtay in uu hubka ka iibiyo Xarakada Shabaab, kana raro Keydadka hubka ee Madaxtooyada Soomaaliya.
“ Waligeey Muuse iima noqon Lataliye iyo xataa saaxiib dhaw midna, waana arrin xaqiiqada ka fog arrinta laygu sheegay ee Lataliye-nimada Muuse, waana dabagalaynaa” Ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Xasan Sheekh ayaa kula taliyey gudiga la socodka Xayiraada hubka ee Soomaaliya, in ay qeyb ka noqdaan dadaalada dalka looga saarayo dagaalada iyo dibu dhaca, ee aysan noqon kuwa ka shaqeeya amaan darada iyo falalka taageeraya khilaaf hurinta Soomaaliya.
Tv-ga layska daawado ee France 24 ayuu Madaxweyne Xasan Sh usheegay sidoo kale in ay aad uga walaacsan yihiin xogaha ay bixiyeen Qaramada Midowbay gudigaas, taas oo aan aheyn mid laysku haleyn karo, eedahooduna mararka qaar noqdan kuwa la horgeeyo Golaha Amaanka ee Qaramada Midowbay.
Idale Newes , Muqdisho