Madaxweyne Xasan Sheekh”DF Dadka ku Nool Gobolka Banaadir Kama Hortaagno Maamul Ay Dhistaan”

0
197

Muqdisho(INO)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaayay dood ay qabatay warbaahinta DF Somalia, ayaa waxa uu ka hadlay suuragalnimada in shacabka reer Muqdisho ay sameystaan Maamul iyaga u gaar ah.

Madaxweyne_Xasan_Garoowe_Shir_HOL

Waxa uu sheegay in dadka ku nool Gobolka Banaadir, ay xaq u leeyihiin inay ka tashtaan aayaha Maamul u sameynta Gobolka, waxa uuna tilmaamay ineysan jirin cid lid ku ah horumarka dadka ku nool Gobolka.

“Xamar waxaa ku nool Dad ka badan kuwa ku nool Gobolada kale ee Dalka, in Federaalka ay ka qeybgasho Magaalada Muqdisho waa arrin quseysa dadka oo aan ku xirneyn Dowladda”

Xassan Sheekh ayaa sheegay in Dowladda Somalia uu doorkeeda yahay kaliya in hadii ay go’aansadaan reer Muqdisho inay Maamul sameystaan inay ku gacan siiso, sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in Muqdisho ay sii ahaaneyso Caasimada Dalka.

Geesta kale, Hadalkaani waxa uu imaanayaa, iyadoo uu Dastuurka Somalia uu dhigayo in Caasimada Somalia ee Muqdisho ay yeelaneyso Maqaam u gaar ah islamarkaana hadda ay socdaan qorshayaal lagu doonayo in Federaalka laga qeybgaliyo Muqdisho.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here