Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Gudoomiya maxkamada Sare.

0
220

Magacaabid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee CQS

MADAXWEYNAHA J.F.S.,

Markuu Arkay:    Qodobka 87, Faqradda 2aad ee Dastuurka J.F.S.

Markuu Arkay:   Xeer Lr. 15 ee soo baxay 6da Abriil 1960 kuna saabsan Dhismaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Kadib Markii:  Ay bannaanaatay Jagada Xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee CQS

Markuu Arkay: Soo jeedinta Wasiirka gaashaandhigga Lr. WG/088/14, taariikh 23/04/2014

Markuu Tixgeliyay:    Aqoonta uu leeyahay sarkaalka la magacaabayo

Wuxuu soo saaray Xeerkaan:
Qodobka 1aad

Waxa G/Sare Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare (C.raxman Cumda) loo magacaabay in uu noqdo  Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee CQS

Qodobka 2aad
Waxa uu Xeerkaan dhaqangalayaa marka uu Madaxwaynuhu saxiixo, waxaana lagu soo daabici doonaa Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya.

Guddoomiyahani cusub  G/Sare Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare (C.raxman Cumda) ayaa ka soo mid noqday hey’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka Qaranka xilal kale duwana ka soo qabtay oo ay ka mid yihiin hogaanka Arrimaha dibadda, hogaanka baarista dambiyada,hogaanka tababarada iyo qorsheynta, waana nin qaanuunka dowliga ah Master digree ka heysta, isagoo ku soo bartay dalka Masar, haddana waxa uu diyaarinayaa darajada PHD.

Waa nin Caynkee ah?

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee ciidamada Qalabka sida loo magacaabay G/sare C/raxman Maxamuud Tuuryare “Cumda” wa sarkaal ka tirsanaa hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka, xilal kala duwana ka soo qabtay.

G/sare C/raxman Maxamuud “Cumda” gudoomiyaha cusub ee loo magacaabay Maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka sida xilalka uu hore uga soo qabtay hey’adda sirdoonka iyo nabadsugidda Qaranka waxaa ka mid ah 1-hoggaanka arrimaha dibadda 2-hoggaanka baarista dembiyada 3-hoggaanka tababarrada iyo qorsheynta iyo xilal kale.

Sidoo Kale gudoomiyaha cusub G/sare C/raxman Maxamuud Tuuryare waa nin qaanuunka dowliga ah Master Digree ka heysta, waxna ku soo bartay dalka Masar, haddana wuxuu xiriirka caalamiga ah ku diyaariyaa shahaadada PHD.

Gudoomiye C/raxman Maxamuud Tuuryare waxa uu darajada ciidamada ka gaaray Full Colneyl, waxeyna dadka yaqaan ku tilmaamaan inuu yahay shaqsi karti badan, firfircoon, hal abuur leh islamarkaana leh maskax furan iyo aragti fog.

G/sare C/raxman Maxamuud Tuuryare ayaa looga fadhiya in uu dardar geliyo howlaha Maxmada sare ee ciidamada qalabka  sida islamarkaana uu hagaajiyo nidaamka garsoorka maadaama uu yahay aqoonyahan soo bartay qaanuunka dowliga ah.

Xasan Sheekh Maxamuud

 IdaleNews Online, Muqdisho.