Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu ammaan xoogan u jeediyay Ciidamada Dowladda Somaliya, ee la dagaalamaaya Ururka Al Shabaab.
Madaxweynaha wuxuu sheegay in Ciidanka Xooga Dalka ay dagaal kula jiraan Al Shabaab, xilli uu sheegay inay duulaan ku tahay dalka, dadka iyo Diinta ay Ummada Somaliyeed heysato, oo ah midda Islaamka.
Madaxweynuhu wuxuu soo jeediyay in loo duceeyo Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliya, maadaama uu muujiyay inay difaacayaan dalka, dadka Somaliyeed iyo Diinta Islaamka, oo Al Shabaab ay duulaan ku tahay.
“Waxaan Ummada Somaliyeed meel kastoo jooggaan ugu baaqayaa inay u duceeyaan Ciidamadeena Qalabka Sida ee la dagaalamaaya cadowga, dalkeena maanta uu lee yahay, oo dadkeena, dalkeena iyo Diinteenaba duulimaadka ku ah, in Ilaahay uu naga qaabilo.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
“Ayaguna Ilaahay qalbigoodu uu soo hanuuniyo, uu soo toosiyo, oo ay ku soo laabtaan nolosho suuban, oo Soomaalinimada, Islaamnimada iyo dal jaceylka leh, inay ku soo noqdaanoo qaluubtooda Ilaahay soo toosiyo. Kii qalbigiisu aanu toosayn uu Ilaahay kan kale noo dhaafiyo, ayaan Ilaahay ka baryaynaa.” ayuu sii raaciyay.
Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shacabka Somaliyeed wuxuu ugu baaqay inay dhexdooda is cafiyaan, isagoo sidoo kalana Alle ka baryay in Ummada Somaliyeed uu ka dhigo kuwo mideysan.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.