Diinsoor(INO)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow gaaray degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, halkaasoo bishii hore laga saaray Al-Shabaab.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ciidan, waxaana ka sii horeeyay Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu la kulmo Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana uu ka hadli doonaa arrimaha bani’aadanimo ee ka jirta degmada iyo in gar-gaar la gaarsiiyo.
Ammaanka degmada Diinsoor ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana Madaxweynaha kaga sii horeeyay Ciidamo gaar ah oo ammaankiisa sugaya, kuwaasoo diyaarad lagu geeyay.
Booqashada Madaxweynaha ee Diinsoor ayaa noqoneysa tii u horeysay ee uu ku tago, kadib markii magaaladaas ay la wareegeen Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa horay u booqday degmooyin Al-Shabaab laga saaray.
Idale News Online, Diinsoor