Madaxweyne Xasan Sheekh: ” In kabadan 10 Kun oo soomaali ah ayaa ka qeyb qaadanaya Doorashada soo socota”

0
293

New York( INO) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa u sheegay  Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay  ku dhawaad 14 Kun oo Muwaadiniin Soomaaliyeed ah in ay ka qeyb qaadan doonaan Doorashada Baarlamaaniga ee 2016-ka la doonayo in ay ka dhacdo Dalka Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday in doorashada soo socoto ay ka duwanaan doonto kuwii hore, marka loo eego Ergooyinka soo xuli doona Xildhibaanada Baarlamaanka Cusub.

Waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in Doorashooyinkasi ay ka dhaci doonaan xarumaha maamul Goboleedyada , isagoona tilmaamay in Dowladdiisa ay weli la tacaaleyso wiiqida awooda Xarakada Al Shabaab.

Geesta kale, Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya waxuu tilmaamay in Xoogaga militariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku guuleysteen in %80 Al Shabaab in ay ka saaraan Dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dalbaday Beesha Caalamka in taageero dheeraad ah ay la garab istaagaan Xoogaga Militariga Dalka Soomaaliya, si buu yiri looga adkaado Ururka Al Shabaab.

Idale News Online, New York