Shir sanadeedka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ee New York ayaa lagu wadaa inuu maalinta isniinta ah ka furto Xarunta Qaramada Midoobey ee New York, shirkaasi oo lagu casuumey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka cudurdaartey inuu ka qeybgalo sababo uu ku sheegey in howlo aad u tiro badan looga fadhiyo oo ay ugu horeyso la tashiyo uu la yeelanaayo beelaha kala duwan ee Soomaalida, ururada bulshada iyo weliba aqoonyahanada dibadda iyo gudaha si uu u soo magacaabo Ra’iisul Wasaare leh karti, aqoon isla markaasna qeybaha kala duwan ee Somalidana ay ka wada raali yihiin.
Madaxweynaha ayaa u wakiishay in shirkaas uga qeyb galo Ra’iisul Wasaarihii hore Dr. C/wali Gaas oo haatan xilkaas sii haya, isaga iyo wafdi uu hogaaminayay oo maalinimadii jimcihii ka dhoofay magaalada Muqdisho.
Dr. C/wali Gaas ayaa ka hor-jeedin doona shirka golaha guud ee loo dhan yahay khudbad uu uga hadlayo is bedelka siyaasadeed ee uu galay Soomaaliya iyo doorashadii ugu horeysay muddo 42-sano lagu soo doortay Madaxweyne Soomaaliyed.
Waxaa uu Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey u jeedin doonaa taageerada xilligan ee Dowladda cusub ee Soomaaliya, si ay cagaheeda ugu istaagto. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga baaqday shirka uu ka qeyb geli lahaa arrimo hor-yaala oo gudaha ah, waxaana ka mid ah magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub iyo Xukuumadiisa.
Waxyaabaha adag ee Madaxweynaha sugeysa waxaa ka mid ah xoojinta ammaanka, gaar ahaan dhacdooyinkii ka dhacay caasimada ee isugu jira dilalka iyo qaraxyada, taasoo calaamadeysay amaan dari baahsan oo soo korortay. Wejiga cusub ee ay gashay siyaasada Soomaaliya waxaa bar bar socda is bedel ku yimid ammaanka Caasimada oo noqday mid xilliga faraha ka sii baxaya.
Sida qorshuhu yahay bishaan September 26keeda waxaa Khudbada Somalia leedahay ka horjeedin doono Ra’iisul Wasaare Abdiweli, taasoo la filaayo inuu kaga hadlo arrimo dhowr ah oo la xiriira barnaamijka siyaasadeed ee dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo isbedel ay dooneyso iney la timaado.
Idale News Muqdisho