Madaxweyne Xasan oo saaka la filaayo inuu u ambabaxo Turkiga ka dib culeys ka soo wajahey Wadamada Arrimaha Somalia daneeya

0
199

Madaxweye Xasan Sheikh Maxamuud ayaa saaka ku sii jeeda magaalada Ankara ee dalka Turkiga halkaas oo uu wadatashi ku aadan culeyska beesha caalamka ka haysta la leeyahay madaxda dalkaasi.

madaxweynaha-safar

Booqashada madaxweynaha oo aan horey loo sii shaacin ayaa timid ka gadaal markii la farey in uu la shaqeeyo Ra’iisul Wasaaraha isla markaasna meesha ka saaro go’aankii uu ka qaatey isku shaandheenta ra’iisul wasaare Abdiwali sameeyey.

Booqashada Madaxweynaha ee Turkiga ayaa la sheegay in ay qaadan doono hal maalin, waxaana laga yaabaa madaxweynaha inuu soo maro Kenya ama Itoobiya midkood halkaas la sheegay wakiilo ka socda wasaarada arrimaha dibada Mareykanka uu kula kulmi doona.

Khilaafka Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha ayaa u muuqda in xalintiisu ay la wareegeen wadamada arrimaha Soomaaliya  daneeya. waxaana horey ergiga gaarka ee qaramada midoobey ee Soomaaliya uu uga digay in la rido Ra’iisul Wasaare C/weli Sheekh oo u muuqda mid siyaasad ahaan ay beesha caalamku wadato.

Idale News ONline