Madaxweyne Xasan Oo Qodob Sahlaya In Dib Loo Doorto Ka Ansaxday Madasha

0
437

Muqdisho (INO) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa ka ansaxsaday qodob siinaya awood badan oo uu ku yeelan karo marka lasoo xulo xubnaha baarlamaanka Soomaaliya kadib.

Qodobkaasi ayaa halis badan keeni kara maadaama uu yahay musharax madaxweyne sanadkaan ee doorashada 2016, waxaana lagu sheegay in madaxweynaha uu leeyahay saxiixa ugu dambeeyo ee xubnaha aqalka Hoose marka lasoo dhameystiro.

“marka gudiga heer federaal ee hergelinta doorashooyinka dadban ay ku dhawaaqaan natiijada kama dambeys ee liiska 275-xildhibaan waxaa kama dambeynta saxiixaya madaxweynaya Jamhuuriyada Federaalka isagoo kusoo saaraya faafinta rasmiga “ayaa lagu yiri warsaxaafaxeedkii kasoo baxay madaxda madasha.

Hishiiskii hore ee madaxdan ay gaareen ayaa wuxuu dhigayay in xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka ansixintooda ay yeelan doonaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada, taasi oo murun badan dhalisay.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa qodobkan wuxuu siinayaa awood uu ku ogaan karo dhamaan xubnaha baarlamaanka ee aqalka Hoose ee baarlamaanka.

Idale News Online, Muqdisho