Muqdisho(INO) — Xili Dhawaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya uu ka qeyb Galay Caleema Saarka Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Ku Meel Gaarka ah ee Jubba ayaa Waxaa Arinkaasi Si Kulul Uga Hadlay Mid ka Mid Salaadiinta Kismaayo Lagu Dulmay.
Nabaddoon Maxamed Cabdi Waamo oo ka Mid ah Salaadiinta Goboladda Jubbooyinka oo la Hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya aan looga Baahneeyn in uu ka qeyb Gallo Baadil Lagu Duudsanaayo Xaqqa Dadka Taagta Daran.
Suldaan Waamo ayaa waxaa uu Hoosta ka Xariiqay in ayna Mar’naba Fileeyn in uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan shiikh Maxamuud kasoo qeyb Galaayo Baadilka ay Dhoodhoobeen Jabhadda Raaskambooniyiinta Ee Uu Hogaamiyo Axmed Madoobe.
Maxamed Cabdi Waamo ayaa waxaa uu Guubaabiyay Xildhibaanadda Baarlamaanka soomaaliya Ee uu sheegay in ay Yihiin Xubno Wadaniyaal ah oo ka Damqaday Dhibaatadda Raasmonbooni ay ku Heeyso kismaayo islamarkaana Doonaayo In ay Mooshin ka Gudbiyaan.
Waxaa uu sheegay in Maamulka uu Hogaamiyo Horjooge Axmed Madoobe uu Dadk aGoboladda Jubbooyinka iyo Gedo uu iskugu Daray Dil Hanjabaad iyo Xaq Duudsi Toos ah .
Madaxweyne Xasan shiikh Maxamuud ayaa waxaa Maalmo ka Hor ka qeyb Galay Munaasabad Kismaayo ka Dhacday oo Lagu Caleema Saarayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Lagu Muran San yahay ee Jubba, kaasi oo Mooshinka ay Xildhibaano gaarayaan 43 ka gudbiyeen.
Idale News Online, Muqdisho