Addis(INO)-Madaxweynaha Jamhuuriyada federaaliga ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Addis-abab ee xarunta dalka Itoobiya kaga qaybgalay munaasabad lagu xusayey sanad guuradii 40aad ee kasoo wareegatay markii ay talada dalkaasi la wareegeen dhaqdhaqaaqa xoriyad doonka Itoobiya sanadii 1991-dii.
Afhayeenka Madaxtooyada Qaranka Daa’uud Aweys oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in xafladda ay sidoo kale ka qey galeen madax dhowr ah oo kasocdey dalalka caalamka iyo safiiro caalami ah oo fadhigoodu yahay xarunta wadanka Itoobiya.
Daa’uud Aweys ayaa intaas ku daray in Madaxweynuhu uu kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo xaaladda guud ee Soomaaliya iyo xiriirka labada dowladdood ku saabsan.
Idale News Online,Addis Ababa.