Madaxweyne Xasan oo gaarey Juba iyo soo dhoweyn heer sare oo Juba International Airport kala kulmay

0
275

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi heer sare ah  oo uu hoggaaminayo ayaa si heer sare ah loogu soo  dhoweeyey magaala madaxda Dalka Koonfurta Sudan ee Juba. Madaxweynaha Koofurta Sudan, Mr Salva Kir ayaa garoonka diyaaradaha ee Juba ku soo dhoweeyey, iyadoo loo tumay muusikada calanka labada dal, isla markaana kooxaha hidaha iyo dhaqanka ay halkaas ku soo bandhigeen bandhig faneed.

Madaxweynaha ayaa caawa kulan gaar ah la qaadan doono   Madaxweynaha Koofurta Sudan Salva Kir oo ay wada casheyn                             doonaan, kana wada hadli doonaan xiriirka labada dal, sidii ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Koonfurta  Sudan loo taageeri lahaa, iyo sidii dalka Soomaaliya  dib loogu dhisi lahaa.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu caawa kulan la qaato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfurta Sudan oo uu kala hadlo sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen dib u dhiska dalka, iyo horumarka ballaaran ee ka socda dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ka qeybgali doono xafladda sanadguurada 2aad ee maalintii xornimada dalka Koonfurta Sudan oo uu ka mid yahay Madaxweynayaasha caalamka ee ka qeybgalaya xaflada.

Idale News Online