Madaxweyne Xasan oo fashil kala laabtay Dhuusomareeb: Siyaasi xog xasaasi ah ka bixiyey wixii dhacay

0
212

Muqdisho(INO)-Afhayeenka Guddiga Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Dhexe ee Magaalada Dhuusa Mareeb, ayaa daboolka ka qaaday inaanay waxba ka soo bixin wada hadaladii Dhuusamareeb kaga socday Madaxweynaha iyo Odayaasha Dhaqanka.

C/ladiif C/laahi Warsame, ayaa ku waramaya in Madaxweynuhu uu dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho, iyadoo aynaan jirin wax xal ah oo labada dhinac ku wada gaareen Xarunta Gobolka Galgaduud ee Magaalada Dhuusamareeb.

“Madaxweynaha wuxuu Dhuusamareeb ka tagey, iyadoo wada hadalada leesku mari waayay. Wax leesku raacay ma jirto, Dowladda waxay lee dahay waxaan tix raaceynaa go’aankeenii hore ee shirka in lagu qabto Magaalada Cadaado.” Ayuu yiri Afhayeenka.

C/ladiif oo la hadlay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa waxa uu iftiimiyay in Odayaasha Dhaqanka ay la wanaagsanatay in shirka lagu qabto Magaalada Dhuusamareeb, isla-markaana uu go’aankoodu taagan yahay, sida uu yiri.

Madaxweynaha intii uu joogay Dhuusamareeb waxa uu Odayaasha Dhaqanka ka codsaday inay aqbalan markan codsiga uu ula yimid, oo ah in shirka lagu qabto Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximin & Xeeb.

Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Madaxweynaha uu kula kulmay Magaalada Dhuusamareeb, ayaa sheegay in Madaxweyaha ay u cadeeyen inaanay Cadaado u socon.

Maxamed Nuur Diini oo ka mid ah Odayaasha Golaha Dhaqanka Gobolada Dhexe ee Magaalada Dhuusamareeb isugu tagey, ayaa sheegay inaan shirka lagu qaban doonin meel ka baxsan Magaalada Dhuusamareeb.

Warar madax bannaan, ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Isniinta ku laaban doono Magaalada Dhuusamareeb, si uu halkaasi kaga sii amba qaado wada hadalada, ku aadan halkii shirka lagu qaban lahaa.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here