Madaxweyne Xasan Iyo Nicholas Kay Oo Madaxa Isla Galay (Hadalo Kulul + Warsaxaafadeed)

0
202

Hadalo kulul oo qaarkood maldahan ayaa saxaafadda la’isku mariyey, hadallo kulul oo fool-ka-fool ayaa la isku yiri, waxbana ma la isku reebanin  kulan dhexmaray madaxweynaha iyo Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Somalia Nicholas Kay.
“Dalka anigaa ka taliya, adiga kama talisid, kuuna dabo fariisan meynee, xalka khilaafka dastuuska iyo baarlamaanka ayaa ku kala baxaynaa ee adiga naga fariiso” ayaa la soo xigtay inuu yiri madaxweyne Xasan mar uu si toos ah ula hadlay Mr. Nicholas Kay.

Qoraal shaley ka soo baxay Xafiiska Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Somalia Nicholas Kay ayaa lagu cambaareeyey in Xildhibaanada laaluush ay ku qaataan inay ridaan xukuumadda Ra’iisulwasaare C/wali Sheekh.

Mr Nicholas Kay oo xulufeysanaya Midoowga Yurub iyo Mareykanka ayaa ku goodiyey inuu dhuunta u istaagi doono dowladda Damul-Jadiid haddii xukuumadda Ra’iisulwasaare C/weli lagu rido Mooshin la sarifay oo xildhibaanada dhaqaale lagu siiyey.

Maanta madaxweynaha ayaa war saxaafadeed jawaab u ah qoraalka Nicholas Kay soo saaray, wuxuuna sheegey in madax banaanida Soomaaliya la dhowro,warsaxaafadeedkaas ayaa sidaan u qornaa:

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Xaqdhowrka Madaxbannaanida Soomaaliya waa lama taabtaan”

Muqdisho, 3 November 2014 – Aniga oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan qirayaa dhammaan inta wakhti muhiim ah iyo hanti badan gelisay in ay Soomaaliya ku caawinto in ay gaarto guulaha muhiimka ah ee ku wajahan yoolka sare ee aan higsaneyno.

Labadii sano ee na dhaafay, iyada oo ay gacan ka geysteen dadweynaha Soomaaliyeed, Hey’adaha Federaalka, Baarlamaanka iyo beesha caalamku, Soomaaliya waxay ku tallaabsatay isbeddel weyn. Waxaan guul weyn ka gaarnay sii waditaanka isbeddelka annaga oo culeyska saarnay asaas-dhiga iyo u gogol xaaridda xasilinta dalka. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya AMISOM, wuxuu hoos keenay maamulka Dowladda 80% dhulkii Shabaab haysateen. Dowladda Federaalku waxay sameysay hannaan qaanuun, heykal dowladeed, unugtay nidaamka maamulka maaliyadda, xiriirka Soomaaliya ee beesha caalamka, xoojisay cilaaqaadka dalalka deriska ah, dib u habaynta hey’ado muhiim ah, hirgelinta Golayaal dib u heshiineed oo lagu wadahadlo, waddadana u xaartay isbeddel siyaasadeed waxayna diyaarisay Higsiga cusub ayada oo kaalmada caalamka lagu sidkay yoolkaeenna.

Waxaa aaad noogu weyn filashada in horumarka la joogteeyo. Sidoo kale, waxaa nagu weyn in Soomaaliya loo daayo in ay horseed ka noqoto isbeddelkeeda. Markii ay Soomaaliya aqbalaysay in ay qayb ka ahaato heshiiska Hindisaha cusub, waxaan ku aqbalnay in uu ku saleysan yahay mabaaddii’da Iskaashiga ee ku cad Hindisaha Soomaaliya, kaas oo ay markhaati ka ahaayeen ayna ansixiyeen ka qeyb galayaashii Soomaaliya iyo kuwii Caalamiga ahaa ee ka wada qeyb galay Shirkii Brussels ee September 2013. Mabaaddii’da iskaashigu waxay si cad u qeexayaan baahida iyo filashada in horumarku ahaado mid ay Soomaalidu hagayso, Soomaaliduna ay leedahay – ha ahaado mid siyaasadeed, horumarineed, dhaqaale iyo bulsho.

Waxaan hadda ku baaqayaa in mabaaddii’daas la xaqdhowro. Waxaan ku baaqayaa in la dhowro Xuquuqda Soomaaliya ee madaxbannaanida isla markaana uu qeexayo Dasttuurka Federaalka ah ee ku meel gaarka ah, ee ku wajahan in ay mustaqbalkeeda iyadu go’aan ka gaarto, mustaqbal ay go’aaminayaan dadka Soomaaliyeed, Hey’adaha Federaalka iyo shuruucdeenna.

Waxaan mar kale u xaqiijinayaa shacabka Soomaaliyeed in Dowladda Federaalka ka go’an tahay Higsiga 2016, si loo xaqiijiyo in Dastuurka dib loo eego, la turxaan bixiyo, aftina lagu ansixiyo, in Federaalka la dhammaystiro iyo u diyaargarowga doorashada 2016 uu xowli ku socdo. Ma diidsanin in howl badan ay na sugeyaam, wakhtiga lagu fulin lahaana uu yar yahay. Si kasta oo xaaladdeennu u qallafsan tahay, wax qabasho la’aan, dhinaca ay doonto ha ahaatee, lama aqbali doono.

Aniga oo fahmaya walaaca Beesha Caalamka, haddana sida ugu habboon ee loo taageeri karo Hoggaamiyayaasha Soomaaliya iyo Hey’adaheedu waa in la xaqdhowro, loona oggolaado in ay afkaartooda kala duwan ay ku xalliyaan si sharci ah ayada oo loo marayo hey’adaha jira oo iyagu hadda ah hey’ado soo bislaanaya.

-Dhammaad-
For more information please contact
Shador Haji Mohamud
Office of the Somali President
shadorhaji@presidency.gov.so
Twitter: @thevillasomalia/@Shador_Haji

KayCulYul

Idale News Online, Muqdsho