Dowladda dalka Ingiriiska ayaa ugu horeyn aad u soo dhoweysey doorashada Madaxweynaha cusub ee Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo isbedelka siyaasada eee Soomaaliya isla markaasna waxay casuumaad aan waqtigeeda la sheegin u fidisay Madaxweynaha cusub ee dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo uu ku tagayo magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska, si uu kulan ula yeesho Raisul wasaaraha Ingiriiska iyo masuuliyiin kale oo ka socda dowladda Ingiriiska.
Sidoo kale, Kulan Shaley dhex marey Safiirka Turkiga ee Soomaaliya iyo Afhayeenka Barlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa waxaa uu safiirka Turkiga ee Somalia ugu fidiyey martiqaad rasmi ah oo gudoomiyuhu ku tagaayo Turkiga bisha soo socota ee October, balanqaadkaas oo ku aadan sidii 2da barlamaan uu xiriir u dhex mari lahaa, isla markaasna loo dhameystiri lahaa balanqaadyadii hore ee labada dal gaareen iyo in wax wada qabsi buuxda labada dhinac waa Somalia iyo Turkiga.
Dhanka kale, qoraalkii uu shalay soo saaray xoghayaha arrimaha dibadda dalka Ingiriiska William Hague ayaa lagu sheegay in dowladda Ingiriiska ay soo dhaweynayso Madaxweynaha cusub ee ay Baarlamaanka Soomaaliya doorteen, kaas oo uu sheegay inuu bilow u yahay isbedel cusub oo Soomaaliya ka dhaca, wuxuuna intaasi ku daray in dowladdiisu ay sii wadi doonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya iyo dedaalkii ay dowladda Ingiriisku ugu jirtay xal u helidda arrimaha guud ee siyaasadda Soomaaliya.
Mr. Hague ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisu ay casuumaad gaar ah u fidineyso Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya si ay ugala xaajoodaan arrimaha dalka Soomaaliya iyo sidii ay dowladda Ingiriiska u taageeri laheyd nabad ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya iyadoo la dhiirigelinayo xasiloonida gobolka iyo tan Soomaaliya intaba.
Dhinaca kale xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon ayaa shaaca ka qaaday inuu Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud si uu uga qeybgalo kulan ay yeelanayaan xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kulankaas oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya iyo arrimo kale.
Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho.
Siyaad Macalin Axmed siyad_macalin@hotmail.com