Muqdisho(INO) — Dabayaaqada Sannadkan 2016-ka, waxaa la filayaa inay Somalia ka dhacdo doorasho ku saleysan Hannaanka 4.5-ka ah iyadoo Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay inay u dhici doonto doorashadaas si ka madax-banaan musuqmaasuq, waxaana kasoo qayb-gelaya Kormeerayaal Caalami ah.
Bulshada Soomaaliyeed, ayaa qaba shaki ah in Doorashada soo socota lagu bixin doono lacago, si loo kala iibsado kuraasta iyo jagooyinka sare ee dalka, iyadoo la xusuusto in doorashadii ka horreysay ay hareeyeen laaluusho lagu bixinayay sidii kuraasta baarlamaanka lagu heli lahaa.
“Dowladeydu waxay xoogga saari doontaa in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, waana sababta uu nidaamka dowliga ah u jiro, mana dhici doonto wax musuq-maasuq ah, ayuu jiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale, Guddiyada maamulaya doorashada ee Dowladda Somalia ay ku dhawaaqday dhawaan, Waxaa bar-bar socon doono kor-joogto caalami ah oo si qoto-dheer ula socon doona sida ay doorashada Dalka u dhici doonto, ayuu mar kale sheegay Madaxweynaha Somalia.
Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ee xilligan talada haysa ayaa laga sugayaa in dalka ay gaarsiiso doorasho ku saleysan musuq-maasuq la’aan maadaama iyaddu lagu dhisay gudaha dalka halka dowladihii ka horeeyay lagu soo dhisi-jiray wadama Dariska la ah Dalka.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay