Madaxweyne Trump oo hor tagay golaha baarlamaanka una sheegay in dhismaha darbiga Mexico oo dhawaan bilaaban doono

0
183

Mexico(INO)- Waxaa markii ugu horreysay tan iyo sidii loo doortay xalay hor tagay golaha baarlamaanka madaxweyaha Mareykanka Donald Trump kaas oo uga warbixiyay qorshihiisa inta uu talada dalka hayo iyo halka ay u marayaam qaar ka mid ah howlaha hor yaal.

Madaxweyne Trump ayaa soo dhaweyn iyo mucaaradaba kala kulmay booqashadiisa golaha baarlamaanka dhexdiisa, waxaana markuu masraxa soo fuulayay is wada qabsaday hoolka baarlamaanka sacab, inkastoo ay jireen xubno ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga kuwaas oo qaab siyaasadeysan u muujinayay mucaaradadooda, iyagoona soo xirtay dhar cad-cad.

” – Inkastoo aan ku kala duwan nahay aragtida siyaasadda, hadana waxaan nahay dal isku meel uga soo wada jeeda naceybka iyo falalka waxashnimada”, ayuu yiri madaxweyne Donald Trump.

Waxa uu sheegay madaxweynaha in uu doonayo in Amerika uu mar kale ka dhigo waddan weyn, isku kalsoon oo xor ah, waxaana uu taa ula jeedaa in uu wax walba ka hor marin doono danaha Mareykanka uuna geed dheer iyo mid gaabanba u fuuli lahaa sidii uu arrinkaasi u xaqiijin lahaa.

Waxa uu shaaca ka qaaday in dowladdu dhawaan bilaabi doonto dhismaha darbiga muranka badan dhaliyay ee xadka dalkaasi la wadaamo Mexico.

” – Mar dhow, waxaanu ka bilaabeynaa xadka koonfureed ee Mexico dhismaha darbi weyn, weyn oo aad u dheer”, ayuu khudbaddiisa baarlamaanka yiri mr. Trump.

Waxa uu ka dalbaday golaha baarlamaanka in ay meesha ka saaraan hannaanka caafimaad ee uu aas-aasay madaxweynihii ka horreeyay ee Barack Obama ee loogu magac daray “Obamacare”.

Waxa uu sidoo kale madaxweynuhu soo hadal qaaday khafiifin canshuureed oo soo sameynayo dadka meel dhexaadka ah iyo shirkadaha.