Madaxweyne Siilaanyo “Dalal Indho kale wax ku eegaaya ayaa dabada ka riixaaya Midnimada Soomaaliya”

0
230

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caddeeyey in dalal ka mid ah adduunyada oo indho kale wax ku eegayaa ay Somaliland ku riixayaan sidii ay mar kale ula midoobi lahaayeen Soomaaliya, balse arrintaasi ay ka tashadeen shacabka Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo oo hadal ka jeediyey kulan xog-warran ah oo ay wehelinayeen wasiirradiisa Arrimaha Dibedda, Madaxtooyada, Dhalinyarada Ciyaaraha iyo Dalxiiska iyo Wasiir-ku-xigeenka iyo weliba masuuliyiin kale shalay kula yeesheen huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa boqolaal dhallinyaro ah oo ka socday shan jaamacadood oo Hargeysa ku yaal – Jaamacadaha Hargeysa, Admas, Gollis, New Generation iyo Alfa, waxa uu sheegay in qaar ka mid ah waddamada dunida oo aannu carrabaabin ay ku dadaallayaan midnimada Soomaaliya, waxase uu caddeeyey in aan reer Somaliland marnaba ka baydhayn madaxbannaanidooda ay dhibta faraha badan u soo mareen.

Kulankaas ayaa hadallo ka jeediyeen Guddoomiyaha Jaamacadda Gollis Dr. Siciid Axmed Xasan oo ku hadlayey afka guddoomiyayaasha shanta jaamacadood ee ardaydoodu kulanka ka qaybgashay, Naciima Cabdi Galleexi oo iyana matalaysay guddigii qabanqaabada kulankaasi iyo weliba arday kala matalaysay shanta jaamacadood, axay ku hambaleeyey Madaxweynaha Somaliland dariiqa uu u jeexay siyaasadda khaarajiga dalka iyo wadahadallada uu la furay Soomaaliya, iyagoo si gaar ah ugu bogaadiyey go’aankii uu ka qaatay shirkii Soomaaliya ee London ka qabsoomay. Sidoo kalena waxay Madaxweynaha u soo jeediyeen inuu sii wado kulamada noocan ah ee uu la leeyahay ardayda dalka oo ay ku tilmaameen qaar dhiirigelinaya da’yarta dalka, isla markaana xukuumaddu ku dadaasho sidii loo abuuri lahaa shaqooyin iyo hannaan lagu joojiyo tahriibta dhallinyarada.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa khudbad uu madasha ka jeediyey ku ammaanay dhallinyarada doorka ay ku leeyihiin horumarinta dalka iyo weliba jihayntiisa mustaqbalka, sidoo kalena waxa uu warramay xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo iyo ujeeddada Somaliland ka leedahay wadahadallada Soomaaliya kala dhexeeya.

“Dhallinyaradu waa kuwii dalka xorreeyay, waa kuwii wax ka dhigay dalka, waana kuwii u halgamay, Insha Allaahu Tacaalaa inta hadhayna waa kuwa mustaqbalka xorriyadiisa keeni doona, waa kuwa horumarkiisa keeni doona, waana kuwa madaxbannaanidiisa daafici doona ee mustaqabalka ummadda hoggaamin doona,” ayuu yidhi Md. Siilaanyo.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in shacbiga Somaliland u midoobeen inay difaacaan qadiyadooda isla markaana ay si weyn u xusaan munaasibadda 22-guurada ka soo wareegtay dib-ula soo noqoshadii madaxbannaanida Somaliland.

“Waxaynu u dabbaaldegaynaa 22-guurada ka soo wareegtay la soo noqoashada madaxbannaanida Somaliland ee 18-ka May. Halgan aad u dheer oo ay ku baxeen naf iyo maalba ayeynu u soo hurnay si aynu dalkeena u xorrayno ilaa iminka ictiraafkii aynu dunida ka rabnay maynu helin, laakiin dunidu way inala dhaqantaa oo way inala macaamishaa waxay inoo aragtaa qaran cagihiisa isku taagay. Dhibaatooyin kale oo aqoonsiga inaga hortaagan oo walaalaheena Soomaaliya ay sabab u yihiina way jiraan, iyadoo dunidu indho kale wax ku eegayso, balse waxay ku xidhan tahay ka midho-dhalinta mustaqbalkeena iyo madaxbannaanideena sida aynu isugu xidhnaano, sidaynu u dagaal-galno iyo sidaynu dalkeena u difaacano iyo sida aynu midnimadeenna u muujino.”

Waxa kale oo Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu ardayda jaamacadaha uga xog-warramay socdaalladii kala duwanaa ee dhawaan uu ku soo maray dalalka Turkiga, Ingiriiska, Maraykanka iyo Itoobiya, waxaannu yidhi, “Waxaas oo socdaal ah waxaannu u galaynay inaannu iib-geyno oo qaddiyaddeena gaadhsiino caalamka, dunida qaar badan baa innagu riixaysa oo doonaysa sidii ay isugu noqon lahaayeen Somaliland iyo Soomaaliya, umaddanise halganka ay u soo mareen way ogtahay waxay ku tashatay oo goosatay inay la soo noqoto xorriyadeeda iyo madaxbannaanideeda. Waxase ay ku xidhan tahay sida ay dhallinyaradeena iyo bulshadeenu iskugu xidhnaato si ay u noqoto qadiyad loo midoobo oo meel looga soo wada jeedsado.”

“Waxaan 100% ku kalsoonahay in halgankaasi uu noqdo mid aan meel uga soo wada jeedno dhammaanteen, 22-guurada ka soo wareegtay la soo noqoshada madaxbannaanideena ayaa loo dabaal degayaa, waynu u soo wada bixi doonaa, dalka oo qudha looga dabaal degi maayo ee dhulka dadkeenu degan yahay oo dhan baa looga dabbaaldegayaa wufuud badan baa ku maqan inay hawshaasi wax ka fuliso oo ay bulshada horkacdo oo ay hormuud ka noqoto,” ayuu hadalkiisa ku soo gunnaanaday Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Waxa kale oo iyaguna madasha khudbado ka jeediyey Wasiirrada Madaxtooyada iyo Arrimaha Dibadda – Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo weliba shan arday oo kala matalayey jaamacadaha ardaydooda Madaxweynuhu la kulmay oo kala ah; Mustafe Maxamed Daahir – Admas University, Cadnaan Saleebaan Hagoog – Hargeysa University, Maxamed Cabdi Giirre – New Generation University, Axmed Cumar Maxamed – Gollis University iyo Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Sarreeye Guuto Cabdillaahi Jaamac Calas – Alpha University, kuwaas oo dhammaantood hambalyo iyo talooyin u jeediyey xukuumadda iyo ardaydaba.

Idale News Online Hargeysa