DEG DEG: Madaxweyne Shariif Xasan Oo Magacaawaya Wasiiro& Munaasabada Oo Hada Socoto

0
208

Baydhabo(INO)-Wararka ka imaanayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, ayaa sheegayaan in  iminka halkaasi ka socoto munaasabad lagu magacaawayo wasiiro hor leh,oo ka tirsan Dowlada Koonfur Galbeed Sooomaaliya.

Shariif xasan sheekh aadan

Munaasabada ayaa waxay ka socotaa, Xarunta Madaxtooyada,waxaa halkaasi ku sugan madaxweynaha koonfur Galbeed Soomaaliya Iyo xubno ka kala Socoda Qaramda Midoobey iyo Dowlada Itoobiya oo iyagu goob joog ka ah qaabka  ay u dhaceyso munaasabada  Wasiirada Lagu soo magacaawayo.

Madaxtooyada ayaa hada waxaa ku qulqulayo wariyaal iyo Odayaasha Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed Soomaaliya  looga yeerey munaasabada magacaawista, waxaana la soo sheegaya in weli lagu dhawaaqin,lana ogaan magacyada Xubnaha, hase ahaatee, lagu wargaliyey inuu madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan Uu Doonayo in uu ku dhawaaqo iyo 5 wasiir iyo  wasiiro  ku xigeeno.

Ugu Dambeyntii Dhan kale Xubnaha Cusub  ee ku soo biir doono Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la filayaa in wax yar ka dib lagu dhawaaqi doono magacyada iyo xilalka Wasiirada,

 Waxii ka Soo kordho kala Soco Idale News Online,

 Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here