Qansaxdheere(INO)-Xilli Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay ay muddo laba sano ah go’doon ku jirto, ayaa waxaa markii ugu horeysay safar xagga cirka ah ku tagey Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Madaxweynaha iyo xubno uu horkacaayay, ayaa saakay ka amba baxay Garoonka Duulimaadyada Magaalada Baydhabo, waxayna hal diyaarad ku taggeen Degmada Qansaxdheere.
Madaxweynaha, ayaa la soo sheegayaa in Qansaxdheere uu u tagey, sidii uu u guubaabin lahaa Ciidamada Dowladda iyo Amisom ee ku sugan, si ay u furaan wadooyinka ay Shabaabku jarayn.
Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Axadii safar aan horey loo sii shaacin ku tagey Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, ayaa Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Amisom u jeediyay inay furaan wadooyinka soo gala Waajid, ee Shabaabku xireen kol kore.
Ilo lagu kalsoonaan karo, ayaa Idale News Online u sheegay in Shariif Xasan uu xilligaa kulan la lee yahay Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Amisom ee Qansaxdheere ku sugan, si ay wadooyinka u furaan.
Wadada xiriirisa Baydhabo iyo Qansaxdheere, ayaa waxaa dhooban mintidiinta Uruka Al Shabaab, kuwaa oo ka biyo diidan in wax gaadiid ah gudaha u galaan Qansaxdheere amaba ka soo baxaan.
Hogaamiyaha Koonfur Galbeed, ayaa maalinta berrito ah waxaa lagu wadaa inuu booqasho ku taggo Magaalada Muqdisho, haddii aan waxba laga bedelin sida uu qorshuhu yahay.
Idale News Online, Qansaxdheere.