Baydhabo(INO)-Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa Maanta kuwajahan Magaalada Rome Ee Xarunta Dalka Taliyaaniga Isagoona sida la sheegey Casumaad Rasmi ah Ka Heley Madaxda Dalka Italy.
Safarkan dibbada ah ayaa qaadan doona ku dhawaad toddobad,sida waxaa IdaleNews.com u sheegay mas’uul ka tirsan madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaliya.
Madaxweynaha safarka waxaa ku wahelin doona mas’uuliyin ka tirsan dowladda oo uu ka mid yahay Maxamed Cabdi Nuur Madeer iyo xubno kale oo Dowlada iyo madaxtooyada isugu jira.
Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa Waxaa la sheegay inuu kala hadli doono Madaxda Taliyaaniga Maalgashiga Degaanada Dowlada Koonfur Galbeed,La Dagaalanka Maleeshiyada Al-shabaab iyo Xoojinta Xaiirka Dowlada Taliyaaniga iyo KGS. Sidoo kale waxuu kala hadli doono madaxweynaha mashaaric kala Duwan sidii Dowlada Italy ay ugu fulin lahayd Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, Safarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh ayaa ku soo beegmaya Xilli Koonfur Galbeed ay si quuseyso isla markaana Dhawaan Dowlada Taliyaaniga waxay Koonfur Galbeed Soomaaliya ugu Deeqdey Qalab Radio FM ah & TV oo dhameystiran kuwaasoo ay yaallaan Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Waxii ku soo kordha kala soco Idaale.com
Idale News Online, Baydhabo