Madaxweyne Shariif Xasan Oo La Soo Shir Tagay Go’aan Cajiib Ah iyo Prof. Jawaari Oo Ka Diiddey

0
1409

Muqdisho(INO) Iyadoo weli laysku hor fadihiyo go’aankii laga sugayay shirka madasha wadatashiga, ayaa waxaa ilo wareedyo ku dhow dhow madasha ayaa Idale News Online u sheegeen in  Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aaden uu la yimid feker cusub, kaasoo uu isku dayayo in ka dhigo maslaxad dhinacyada isku hayo go’aanka madasha

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa la soo shir tagay arrin keeni doonto kacdoon shacab iyo dagaalo lagu hoobto waa haddii aay madasha qaataan fekerka  Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aaden.

Fekerka uu soo bandhigay ayaa ah sidan
1. In la isku tanaasulo oo koox walbo tix gelin la siiyo rabitaankeeda.
2. In si loo helo go’aan wada jir ah, la siiyo gobolka Banaadir kuraasta aqalka sare uu leeyahay oo ah 8 kursi
3. In madasha aay go’aamiyaan in loo madax bannaaneeyo soo xulida xildhibaanada labada gole, oday dhaqameedyadana aay ku ekaadaan oo kaliya ansixinta xildhibaanada aay soo xulaan madaxda dowlad goboleedyada, madaxweynaha JFS, iyo Duqa magaalada Muqdisho.

Waxaa arrintan isla markiiba ka biyo diiday guddoomiyaha baarlabaanka JFS  ProJawaari isagoo ku tilmaayo go’aan iyo talo ka timid nin aanan arkin maslaxadda dalka iyo dadka, balse u jeedo oo kaliya in uu magac iyo awood uusan lahayn ku lahaado dowladda dhexe.

Ugu dambeyntii, Arrintkan ayaa haddii uu dhaqan galo waxaa la filaayaa in uu kicin doono dagaal iyo kacdoon shacab sida aay u sheegeen dayniilenet.com dadka ka faallooda siyaasaddda