Madaxweyne Shariif Xasan “Doorashada ka hor waa in Al-Shabaab laga saaraa, meelaha ay ku sugan yihiin”

0
422

Baydhabo(INO)— Madaxweynaha Dowlada Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ugu baaqay ciidanka Difaaca Degaanada KGS iyo AMISOM in la dadajiyaan howl galada Al-Shabaab looga saarayo deegaanada uu ka arrimiyo maamulkiisa.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa sheegay inay muhiim tahay in ka hor doorashada in howl galada dalka ka socda la xoojiyo, si loo wiiqo Al-Shabaab, loogana saaro meelaha ay Al-Shabaab ka taliyaan gobolada dalka.

“Waa muhiim in doorashada ka hor Al-Shabaab laga saaro meelaha ay ka joogaan Koonfur Galbeed, ciidanka xooga dalka iyo kuwa AMISOM waa in ay dadajiyaan howlgalada oo Al-shabaab ay wiiqaan awoodooda”ayuu yiri Madaxweyne Shariif Xasan Sheakh Aadan.

Ciidamada xoogga dalka iyo AMISOM ayaa maalmahan howl galo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday qeybo ka mid ah gobolada Shabeellaha Hoose, Bakool iyo Shabeellaha Dhexe, inkastoo la dhaliilay qaabka howl galadu u socdaan.

Ugu dambeyntii, Hanaanka doorasho ee sanadkan 2016 ka dhacaya dalka ayaa meelaha loo qorsheeyay ayaa waxaa ka mid ah Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo, Garowe iyo Cadaado, halkaasoo laga soo xuli doono Labada Aqal ee Baarlamaan.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here