Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa magacaabey dagmooyin dhowr ah oo tirsan gobolka Bay, Bakool, Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud, halka dhanka kale shir ay yeesheen Golaha Wasiirada xukuumada Ra’iisul Wasaare Abdiweli Ali Gaas ku tilmaameen magaacabistaas sharci daro, isla markaasna aan la magacaabi karin wax degmo ah laga bilaabo bishii July 1st 2011 ilaa August 30, 2012.
Golaha Wasiirada ayaa sheegey in magaacaabista dagmooyinka cusub wax u dhimi karto dib-u-heshiisinta iyo dowladd wanaaga wuxuuna Goluhu soo jeediyey in la xakameeyo soo saarida go’aamada lagu beegayo xilliga doorashooyinka
Ugu danbayntii Goluhu wuxuu isku raacay in magacaabista Degmooyinka cusub ee aan Golaha la horkeenin aysan waafaqsanayn nidaamka dowliga ah, sidaas darteedna laga soo bilaabo 01, July 2011 ilaa 31, August 2012 wixii dagmo ah oo la magacaabay ay yihiin sharci darro.
Madaxweyne Sharif ayaa dikreeto ku magaabey degmooyinka kala ah Ceel Axmed, Ceel Baraf, Buulo Jadiid, Dolondoole iyo Gelinsoor oo ka tirsan gobalada Shabeelaha Dhexe, Bakool, Bay iyo Galgaduud.
Xafiiska Warqabadka Idalenews Mogadishu
Waxaa qoray
Siyad Macalin Axmed
email: siyad_macalin@hotmail.com