Florida(INO)— Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ka hadlay toogashadii dadka faraha badan ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Orlando ee Gobolka Florida, halkaasoo nin hubeysan uu weeraray goob lagu caweeyo.
Obama ayaa ku tilmaamay wegraces mid argagixiso oo naceyb xambaarsan, waxaana uu xusay in hubka sida sahlan dalkaas looga helo uu mas’uul ka ahaa weerarka.
Waxaa uu sheegay in hadii aan la xakameyn hubka, ay dhici karto weeraro laga geysto goobaha cibaadada, iskuulada iyo goobaha lagu caweeyo.
Obama ayaa sheegay in weerarkan uu yahay kii ugu xumaa ee taariikhda Mareykanka ka dhaca toogasho hal mar ay dad ka badan 50-ruux ku dhintaan.
Ninka weerarka ka dambeeyay oo lagu magacaabo Omar Mateen ayaa ahaa nin ay yaqaaneen FBI, waxaana saddex jeer la weydiiyay su’aalo, iyadoo lala xiriirinayo kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga.
Idale News Online, Florida