Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa saxiixay Sharciga Horumarinta xawaaladaha oo muddo laga soo shaqeynayay.
Sharcigaan ayaa Xawaaladaha u sahlaya in ay Lacag dhigtaan Bangiyadda waaweyn ee Dalka Mareykanka, wuxuuna qafiifinaya habkii lagu maamuli lagaa Shirkadaha Xawaaladaha.
Xildhibaan Keith Ellison oo ka tirsan Xisbiga Obama oo kasoo shaqeyay Sharcigaan ayaa sheegay in sharcigaan uu Xawaaladaha Soomaalida iyo qowmiyada kale ee dalka Mareykanka ku nool u sahlaya shaqadooda.
Waxyaabaha sharcigan uu fududeynayo ayaa waxaa ka mid ah: Dhibaatooyinkii iyo baaritaannadii dheeraadka ahaa ee horay loogu sameyn jiray xawaaladaha Soomaalida, qarashaad badan ay ku bixin jireen muddo dheerna qaadan jirtay.
“Dhaqan-galka sharcigan wuxuu faraxad u yahay mujtamaca qurba-joogta Mareykanka, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed iyo Hmongka ee aan matalo” ayuu yiri Ellison.
In xayiraadda xagga Bangiyada laga qaado Xawaaladaha ayaa dhiman, ayuu yiri Xildhibaan Keith Ellison.