Madaxweyne Obama oo dib u dhigay duulaanka Suuriya

0
190

obama okok
In kasta oo madaxweyne Barak Obama ku dhawaaqay in uu diyaar u yahay in uu hakiyo qorshaha weerar milateri oo hadda lagu qaado dalka Suuriya, haddana waxa uu shaki geliyey in dawladda Suuriya ay daacad ka noqon karto oo ay fulin karto talada ku saabsan inay soo wareejiso dhammaan hubkeeda kimikada ah, isla markaasina la wada burburiyo.

Arrintani waxay ka danbaysay Ruushka oo soo jeediyey talo ah in Suuriya ay wareejiso dhammaan hubkeeda kimikada ah si loo baajiyo weerarro milateri oo Maraykanku ku soo qaado, iyada dhinaca kale isla waqtigaasi ay Golaha Congress-ka ee Maraykanku ay ka doodayeen qorshaha weerar milateri ee madaxweyne Obama uu hor dhigay.

Madaxweyne Obama isna waxa uu waraysiyo isdabajoog ah siiyey telifishannada dalka Maraykanka oo sharraxaaad kaga bixinayo arrimahani iyo qorsha ku saabsan talloobooyin xaddidan oo milateri oo sugan, oo leh ujeeddo ah in la ciqaabo Bashaar Assad iyo dawladdiisa, laguna ciqaabo isticmaalka ay isticmaaleen hubka sunta mamnuuca ah ee kimikada, si weliba looga hortago in xukuumado kalena ay mustaqbalk isku dayaan inay falalkaasi oo kale ku kacaan. Waxanu intaasi ku daray in uu weli ku sii dedaali doono in Golaha Congress-ku ay ogolaadaan tallaabo milateri.

Ilaa hadda, lagama hayo dawladda Suuriya aqbalkeen buuxa amma diidmo cad midna. Waxase hindisahani Ruushka soo dhaweeyey oo kale madax iyo dawlado badan oo ka tirsan adduunka, oo ay ka mid yihiin dawladda Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka, iyo Qaramada Midoobey.

Idale News Muqdisho

Source: BBC