Washington(INO)-Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa gaaray dalka Ingiriiska halkaas oo uu ku joogi doono booqasho rasmi ah oo saddex maalood ah.
Inta lagu guda jiro booqashadiisa ayaa waxaa la filayaa in madaxweyne Obama uu madaxda iyo shacabka Britain ku boorriyo in aysan ka go,in Midowga Yurub xilli ay shacabka Ingiriiska codadkooda ka dhiiban doonaan afti lagu ogaan doono in UK ay kasii mid ahaan doonto Midowga Yurub iyo in kale.
Mr. Obama iyo xaaskiisa Michelle Obama ayaa lagu wadaa in ay manta la qadeeyaan boqorada Ingiriiska halka cashadana ay ku qoranyihiin amiirka leh dhaxalka boqortooyada iyo xaaskiisa.
Sidoo kale Mr Obama waxa uu shir jaraa’id kula qaban doonaa magaalada London ra’isulwasaare David Cameron.
Booqashadiisa Ingiriiska waxay qeyb katahay socdaalo uu ku tagay Sacuudiga iyo safar uu ku gaari doono dalka Jarmalka. Sacuudiga wuxuu kula soo kulmay boqor Salman oo uu kala soo hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen Iran, Syria, Yemen iyo dagaalka ka dhanka ah Daacish.
Idale News Online , Washington