Madaxweyne Obama: “Guulo ayaa laga gaaray howlgallo laga fuliayay Wadamo ay ku jirto Somalia”

0
323

Washington (INO)—Madaxweynaha Dowladda Mareykanka Brack Obama ayaa waxuu sheegay in guulo laga gaaray howlgallada Diyaaradaha Dagaalka ee Drones-ka ay ka fuliyeen Wadamada Somalia, Iraq, Syria iyo Yemen

Isagoo ka hadlayay Xarunta Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ayaa Madaxweyne Obama waxuu cod-dheer ku sheegay in Weeraradaasi lagu Dilay hogaamiyeyaal sare oo ka tirsanaa Ururada Daacish, Al Qaeda iyo Al Shabaab.

Madaxweyne Brack Obama oo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu qeexay in ay sii wadi doonaan duqeymaha lagu beegsanayo Hogaamiyeyaasha sare ee Xarakada Al Shabaab.

“Waan sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab maadaama ay khatar ku yihiin danaha Mareykanka” ayuu yiri Mr. Obama.

Hadalka Madaxweyne Obama ayaa waxuu imaanaya todobaad un kadib markii Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon ay xaqiijiyeen in Hogaamiye Sare oo ka tirsan Al Shabaab lagu Dilay Duqeyn ka dhacday Dalka Soomaaliya.

Idale News Online, Washington

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here