Madaxweyne Museveni oo lagu wado inuu ku guuleysto doorashada Uganda iyo Kizza Besigye oo lasii daayey

0
190

Kampala(INO)-Gudiga doorashooyinka madaxtinimada dalka Uganda ayaa sheegay in uu si weyn ugu horreeyo codadka ilaa iyo iminka la tiriyey madaxweyne Yweri Museveni, taasoo wadada usii xaareysa inuu ku guuleysto xilka madaxweynaha.

Mr. Museveni ayaa ku hogaaminaya cod bixinta doorashadi dhacday Khamiistii ilaa iyo 63 boqolkiisa halka hogaamiyaha mucaaradka Kizza Besigye uu heysto ilaa iyo iminka 33%.

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo natiijada doorashada, waxaana dadka reer Uganda ay aad u saadaalinayaan in doorashada uu cod aqlabiyad leh ku heli doono madaxweynaha.

Dhanka kalana hogaamiyaha mucaaradka Kizza Besigye oo marki sadexaad shalay lagu xiray Kampala muddo todobaad ah ayaa xabsiga laga sii daayey.

Booliska ayaa saakay sheegay in Mr. Besigye uu hada joogo gurigiisa kadib marki uu mudo saacada ah lagu hayey meel aysan carrabaabin.

Madaxweyne Yweri Museveni ayaa xakumayey dalka Uganda tan iyo sanadki 1986-ki oo imiinka laga joogo 30 sanadood. Taageerayaashiisa ayaa ku amaana inuu amaanka wax weyn ka qabtay, hase yeeshee mucaaradka ayaa ku eedeeya musuq maasuq iyo inuu awooda maroorsaday.

Idale News Online, Kampala

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here