Madaxweyne Farmaajo oo mar labaad la kulmay Xasan Sheekh Maxamuud, markii uu tagey Villa Somalia

0
205

Muqdisho(INO)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa maanta markii labaad kormeer ku tagey Xarunta Madaxtooyada Somaliya (Villa Somalia).

Madaxweynihii hore ee Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa duhurnimadii maanta Madaxweynaha cusub ee la doortay ku qaabilay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Madaxweynaha Somaliya oo la sheegay in kulankan uu isagu dalbaday, ayaan waxaan si rasmi ah loo ogayn waxyaabaha ay labada dhinac ka wada hadleen, balse waxaa soo baxaya warar sheegay in ay ka wada hadleen hub iyo gaadiid la sheegay, in labadii habeen ee ugu dambeysay lagala baxay Villa Somalia.

Madaxweynaha Somaliya oo carro ay ka muuqatay, ayaa waxaa la soo sheegaya in Xasan Sheekh Maxamuud uu ku amray in la soo celiyo gaadiidka iyo hubka lagala baxay bakhaarta 3-aad ee Madaxtooyada.

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa la sheegay in Xasan Sheekh Maxamuud uu u sheegay in lagula xisaabtami doono hubka iyo gaadiidka uu qaranku leeyahay, ee la sheegay in Madaxtooyada ka qaateen shakhsiyaad ku dhow dhow.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa waxaa Khamiista berrito ah lagu wadaa in si rasmi ah uu ula wareego Xafiiska Madaxtooyada, iyadoona caleemo saarkiisu uu ku beegan yahay Arbacada ina soo aadan.

Waa kormeerkiisii labaad oo uu ku taggo Qasriga Villa Somalia, tan iyo markii 8-dii bishan loo doortay in uu noqdo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya.