Madaxweyne Farmaajo oo maanta Baarlamaanka horgeynaya Ra’iisul Wasaare Kheyre

0
187

Muqdisho(INO)— Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta hor-geynaya Baarlamaanka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, si codka kalsoonida loo siiyo, iyadoo Madaxweynuhu si rasmi ah u furi doono kalfadhiga 1aad ee Golaha shacabka.

Sida uu qabo dastuurka ayaa dhigaya in Madaxweynaha marka uu soo magacaabo Wasiirka Koowaad uu hor-geeyo Baarlamaanka, si codka kalsoonida loo siiyo, waxaana Madaxweynuhu uu ka codsan doonaa Baarlamanaka inay codka kalsoonida siiyaan.

Mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha cusub uu heli doono codka kalsoonida,

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay kulamo la lahaa Xildhibaanada Baarlamaanka, isagoo ka dalbanayay in codka kalsoonida ay siiyaan

Mr Kheyre oo ah nin xiriiro badan la leh Xildhibaanada, ayaa la filayaa inuu helo aqlabiyada Baarlamaanka, waxaana la dhaarin doonaa marka codka kalsoonida uu helo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu soo dhiso Xukuumad cusub, waxaana lagu wadaa inuu maalmaha soo socda hor-geeyo Baarlamaanka Barnaamijka Xukuumaddiisa.