Madaxweyne Farmaajo oo dadka ugu baaqay in ay jooojiyaan dabaaldegyada -VIDEO

0
195

Muqdisho(INO) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee dabaaldagyada ku soo dhoweeyay doorashadiisa inay joojiyaan isla markaana howlahooda caadiga ah qabsadaan.

Madaxweyne Farmaajo oo ay wareysatay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacada VOA-da ayaa u mahadceliyay dadka Soomaaliyeed waxana uu sheegay in doorashada ay ku soo dhamaatay si guul ah.

“Waxaan leeyahay dabaaldega iyo ololaha doorashada waa dhamaaday hadda waxaa la qabanayaa shaqadii dowlada waxaa la joogaa waqtigii la isu diyaarin lahaa dib u dhiska dalka.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo oo la weydiiyay qorshihiisa Boqolka Maalmood ee ugu horeysa ayaa ku tilmaamay tan ugu horeysa magacaabida ra’iisal wasaare balse qorshaha dhabta ah uu yahay mid laga doonayo ra’iisal wasaaraha uu soo magacaabayo.

“Aasaaska dowlada waxa ay tahay ugu horeyn in ammaanada Ummada aan u hayno u ilaalino,in cadaalada aan xoojino iyo in abaaraha iyo faqriga aan isku dayno in dadka Soomaaliyeed gacan la siiyo oo nolosha adag ay ku jiraan wax lagala qabto.”ayuu ku tilmaamay qorshayaashiisa ugu horeysa.

Isagoo jawaabayay su’aal ahayd sida uu ugaga hortagayo khilaaf soo kala dhex gala isaga iyo ra’iisal wasaaraha ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo in uusan lahayn dan shaqsi ah balse danta caamka uu ka shaqeynayo.

“Aniga dan shaqsi ah oo aan leeyahay sidaa awgeed danta guud haddii la isku qabto labo qof kaliya kama dhaxeyso, anigana waxaan isku dayayaa dadka aan la shaqeeyo in ay ka fogaadaan dan shaqsi ah.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Ugu danbeyntii, wareysigan oo uu siiyay Madaxweyne Farmaajo Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa ah wareysigii ugu horeeyay ee uu siiyo warbaahinta caalamiga ah ee afka soomaaliga ku hadasha tan iyo markii uu ku guuleystey doorashadii ka dhacday Arbacadii aynu ka soo gudubnay.