Madaxweyne Erdogan oo sheegay qaxootiga Suuriya in la siin doono dhalashada dalka Turkiga

0
376

Ankara (Radio Idale) –Madaxweynaha dalka Turkiga,Recep Tayyip Erdogan ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqay go’aan qaxootiga Suuriya ay ku noqonayaan muwaadiniin Turki ah,isagoo marka sheegay in la siin doono dhalashada dalkaa.

Waxuu sheegay madaxweyne Erdogan isagoo marka ku sugan gobolka xadka ku yaalla ee Kilis oo isku xira Turkiga iyo Suuriya,dowladiisa inay go’aansatay qaxootiga Suuriya inay noqdaan muwaadiniin Turki ah.

“Waxaan doonayaa in aan ku dhowaaqo war wanaagsan,”ayuu yiri Erdogan oo inta ku daray. “Waxaan ku caawineynaa saaxibadeen Suuriya in aan fursad u siino haddii ay doonayaan in ay qaataan dhalashada dalka Turkiga,”

Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga ayaa laga sugaya inuu ku dhawaaqo sida loo marayo sharciga lagu qaadanayo dhalashada Turkiga,ayuu sii raaciyay Madaxweyne Erdogan.

Marku hadalkan jeediyay madaxweynaha Turkiga ma usan kala cadeyn in dhamaan qaxootiga Suuriya ee gaaraya 2.7 malyan oo ku nool dalka Turkiga ay codsan karaan dhalasho sidoo kale ma sharixin qaabka loo helayo dhalashada Turkiga iyo waqtiga ay qaadanayso helitaankeedaba.

Madaxweynaha Turkiga oo kula kulmay koox qaxooti Suuriyaan ah magaalada Kilis oo ay ku nool yihiin qaxooti gaaraya 120,000 ayaa yiri; “Dadka Turkiyiinta ah iyo kuwa Suuriyiinta waa walaalo, kama fogidiin dalkiina balse guryihiina oo kaliya ayaad ka soo dhaqaaqdeen, Turkey sidoo kale waa gurigiina.”

Dowlada Turkiga ayaa hore u diiday in ay u aqoonsato dadka ka soo qaxay dagaalada dalka Siiriya qaxooti iyadoo ku tilmaantay inay yihiin marti. Tiro kooban oo kaliya ayaa la siiyay oggolaansho ay ku shaqeysan karaan iyo degenaansho.

Go’aanka madaxweynaha oo u wanagsan Suuriyaanka hadana,waxaa diidaan dadweynaha Turkiga oo baraha bulshada uga soo horjeestay hadalka madaxweynaha,iyagoo marka ku soo qoray Twitterka (Ma doonayo in ay Siiriyiinta joogaan dalkeena).

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.