Muqdisho (INO) – Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in raashiin gargaar ah geyn doonto deegaannada maamullada Puntland iyo Somaliland ee abaartu ka jirto.
Madaxweynaha dalkaasi Recep Tayyip Erdogan oo jimcihii safar ku yimid magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladdiisa dhawaan ay soo diri doonto markab weyn oo sida shixnad raashiin gargaar ah si shacabka abaartu hayso loogu gurmado.
Markabkan ayuu sheegay in dalka uu imaan doono inta lagu guda jiro bisha Barakeysan ee Ramadan oo maalmo un inaga xigto.
Deegaanno badan oo ka tirsan gobollada Waqooyi ee dalka waxaa ka jirta abaar saameysay dadka iyo duunyada.
Dowladda turkiga ayaa shixnado gargaar ah horay u siisay shacab badan oo Soomaaliyeed, waxaana lagu xusuustaa Turkiga kaalintii uu ka ciyaaray gurmadkii loo fidinayey abaartii dalka ka dhacday 2011.
Idale News Online, Muqdisho