Madaxweyne Erdogan” Aniga Ayaa Weli Dalka u Talinaya Kadib Afgambi Dhicisoobay “

0
332

Istanbul (INO)-Recep Tayyip Erdogan, madaxweynaha Turkiga ayaa talefishinka kasoo muuqday kadib afgambi dhicisoobay oo dalkaa ka dhacay 24kii saac ee lasoo dhaafay gudahooda.

Recep Tayyip Erdogan ayaa ka hadlay talefishin si gaar ah loo leeyahay asagoo sheegay inuu weli asagu yahay madaxweynaha Turkiga ayna ciqaab adag mudan doonaan wixii ka dambeeyay ayagu afgambigaa dhicisoobay. Waqtigaa uu khudbada jeedinaayay ayaa waxaa hareerihiisa taagnaa dad badan oo taageereyaashiisa ah.

Halka uu asagu markaa kusugnaa ayaa ah garoonka diyaaradaha ee Istanbul wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in ciidamada dalkaa la kala hufo oo la nadiifsho.

Raisal wasaaraha Turkiga, Binali Yildirim ayaa shaaca ka qaaday in intiisa badan dalka uu kujiro gacanta dawlada oo hanatay iminka.

Shalay galinkii dambe ilaa xalay ayaa qaar ka tirsan militariga dalkaa oo gadoodsan waxay sheegayeen inay afgambi kurideen dawlada Erdogan. Ciidamadaa ayaa markii hore farriintaa ka sheegay talefishinka dawlada ee TRT. Inkastoo xoogaa uu hawada ka maqnaa TRT dib ayuu ugu dambeyn hawada usoo galay.

Haweeney wariye ka ah TRT oo farriintaa u baahisay markii hore ayaa sheegtay in markii ay warkaa aqrinaysay lagu hayay qori.

Kumanaan qof oo kasoo horjeeda afgambiga ayaa isugu soo baxay Istanbul iyo Ankara. Inqilaabka ayaa haatan u muuqda inuu dhicisoobay kadib markii ciidamo boolis militaariyo ah ay weerareen isla markaana ay kala eryeen militarigii afgambiga ku dhawaaqay.

Dad aad u badan oo gaaraya tobanaan ayaa lagu soo waramayaa haatan oo aan warbixintaan qoreyno in ay geeriyoodeen iyo in rasaas laga maqlaayo meelo badan oo dalkaa ah gaar ahaan Istanbul. Qaraxyo ayaa sidoo kale la maqlayaa.

Si kumeel gaar ah ayaa waxaa loo magacaabay taliye cusub oo militariga dalkaa u taliya kadib markii taliyihii ciidamada qalabka sida war laga waayay.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.