Madaxweyne Dr. Gaas Oo Ku Soo Wajahan Magaalada Baydhabo Ee Gobolka Bay

0
455

Garowe(INO) Madaxwaynaha Puntland ee Soomaaliyeed Cabdiweli Maxamed Cali ayaa Ku soo wajahan magalada Baydhabo xarunta Gobalka Bay.

Baydhabo ayaa marti galisay shirka hanaanka doorashada 2016 oo ay madaxda dalku uga arrin sanayaan howlaha qabyada ah ee weli haray, waxaana la adkeeyay amaanka magalada iyo goobtu uu shirku ka qabsoomayo oo ay ameenkeeda la wareegeen ciidanka Itoobiya.

Shirka madaxdu kaga arrin sanayaan hab-sami u socodka shirarka lagu dardar galinayo howlaha harsan ee waddada u ah doorashada ayaa lagu wadaa inuu maantaba furmo, walow wararka madaxa banaan ay sheegayaan inuusan shirkaasi kasoo qayb gali doonin madaxwaynaha DFS,Xasan Shiikh Maxamuud.

Weli waxaanan heshiis laga gaarin sida loo maaraynayo damaca Gobalka Banaadir ee ku aadan in kuraas laga siiyo aqalka sare oo lagu saleeyay mamul gobaleed-yada, waxaana jira warar sheegaya iney macquul tahay in kuraastaasi haddiiba la siinayo lagu saleeyo 4.5 oo gobalka Banaadir ah.

Shirka iyo waxyaabaha kasoo baxa kala soco Idale News Online, Baydhabo

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay