Madaxweyne Ahmadinejad oo lagu wado inuu booqasho ku yimaado Magaaladda Muqdisho

0
202

Madaxweynaha Jamuuriyadda Islaamiga ee Iran,  Mahmoud Ahmadinejad ayaa shaaciyay inuu Bisha soo socto booqasho ku imaan doono dhowr wadan oo African ah oo ay Somalia ka mid tahay.

Madaxweynaha oo Saxaafadda kula hadlayay Magaaladda Dahran ayaa sheegay inuu casuumad ka helay Hogaamiyayaal african ah si uu u booqdo dalalkooda, wuxuuna sheegay inay booqashadiisu bilaaban doonto Bisha soo socto ee March.

Booqashada Madaxweynaha uu ku imaanayo Somalia oo aysan si rasmi ahaan u shaacin, ayaa waxa ay imaaneysaa iyadoo Madaxweynaha Somalia iyo Ahmadinejad ku kulmeen kulan madaxeedkii Hoggaamiyayaasha Ururka Islaamka (OIC) ee ka dhacay Caasimadda Dalka Masar ee Qahira.

Booqashada uu madaxweynaha Iran lagu wado inuu ku imaado Magaaladda Muqdisho ayaa ku soo beegmeyso iyadoo guddiga QM ee koormeerka cunaqabateyn Hubka saaran Somalia ay sheegen inay Dowladda Iran Shixnad hub ah u soo dirto Kooxda Alshabaab-Somalia.

Dowladda Iran waxay gacan ka geesataa sidii loo quudin lahaa Barakacayaasha Muqdisho iyadoo Hay’addo samafal oo Iran ah ay maamulan xarumahaasi.

Dowladda Iran ayaa waxa ay u xusul duubeysa sidii ay xiriir Siyaasadeed iyo mid dhaqaaled ula yeelan lahayd Dowladdaha Africa, iyadoo Dowladda Iran dhawaan loo ogolaaday inay Ergey kor-joogta ah ku yeelato (Observing member), xarunta dhexe Midowga africa AU ee Magaaladda Addis Ababa.

Idale News Muqdisho