Madaxweyne Afawerki: Soomaaliya innaba ma jirto

0
555

Muqdisho(INO)-Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki ayaa sheegay in tirada maamul goboleedyada ah ee sii kordhaya gudaha Soomaaliya in ay Soomaaliya ka dhigeen mid kala go’go’an oo Soomaaliya dal la dhaho uusan haatan qaarada Afrika ama adduunka uusan ku ool.

“Soomaaliya gebi ahaanba waa sheeko tii hore ka gadisan- waa dhibaato qaran qaran jabay; waa suaasha qaran galay qulqulato gudaha iyo dibada ah.” Mr. Afawerki ayaa sidaa warbaahin maxali ah u sheegay.

“Soomaaliya ma jirto.” Intaa ayuu raaciyay. Wuxuu kaloo sheegay in maamul goboleedyada badashadooda  iyo qeybta waqooyi oo gooni isu taagtay ay sabab u noqdeen dalka kala burburidiisa.

“Markii hal dal uu asagu kala qeyqeybsamo – waa Somaliland, waa Puntland, waa Benadirland; waa dhulal aad u badan, laakiin ay sii dheer tahay inuu u kala jajabay qabiilo, jifooyin, iyo qabqablenimo– arintaasi aad ayay murugo u leedahay.” Sidaa ayuu ku sheegay wareysiga aan taariikhda la qaaday la ogeyn.

Idale News Online ma garan karto waqtigii wareysiga la qaaday, laakiin Madaxweyne Afawerki wuxuu sidoo kale sheegay in dhibaatada Soomaaliya ka taagan ay saamayn xun ku yeelatay gebi ahaanba gobolka Geeska Afrika ayna taa ka marag kaceen dadku 20kii sano ee lasoo dhaafay.

“Waxaanu jeclaan lahayn in Soomaaliya ay dib usoo noolaato; waxaanu jeclaan lahayn in ummadaani si caadi ah ay kusoo laabato mar kale.” Ayuu yiri.

In kastoo waxoogaa xasillooni ah ay wadanka haatan ka jirto, wali dalka waxaa ka jirta ammaan darro. Waxaa sidoo kale khubaradu sheegayaan in caqabado kale oo badan oo dalka ka jira ay hor taagan yihiin soo kabashada guud ee dalka.

Idale News Online, Muqdisho