Madaxweynayaashii Maamulka Khaatumo oo ka muuqday golaha wasiirada dowlad goboleedka Puntland

0
204

Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo ah Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose iyo C/Nuur Cilmi Maxamuud  (Biindhe) oo ah Wasiirka Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda Puntland ayaa horay u ahaa Madaxweynayaasha Maamulka Khaatumo ku waasi oo aaminsanaa in ay yihiin Maamul ka madaxbanaan Puntland iyo Somaliland,iyadoo taasi ay muujnayso in Masuuliyiintan ay si toos ah uga mid noqdeen Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed.

Axmed Karaasha ayaa horay u ahaa Madaxweynihi ugu horeeyey ee Khaatumo State halka C/nuur Biindhana uu hada ahaa Madaxweynaha 3xaad ee Maamulkaasi, hada waxaa maamulka Khaatumo u haray Hal madaxweyne oo qura kaasi oo lagu magacaabo Maxaed Jaamac Yuusuf Indha-Sheel kaasi oo hada ha MAdaxweynaha kaliya ee ku haray Golaha Madaxtooyada ee maamulka Khaatumo iyadoo aan la ogayn Saamaynta ay arintan ku yeelan doonto Maamulkaasi.

Masuuliyiintan aa horay u yimid Garoowe iyagoo wada hadal la galay Xukuumadii hore ee uu hogaaminayay Madaxweyne faroole inkastoo hada ay si toos ah ugu biireen Xukuumada Cusub ee uu soo dhisay Madaxweynaha DowladdaPuntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas.

AxmedKaraashAxmedKaraash

Idale News Online