Madaxweynahii Ugu Horeyey Somalia Aaden Cadde Oo Dar-Daaran Siiyey Intii uu Noolaa Caruur uu Awoowe u Ahaa

0
432

Muqdisho(INO)-  Waxaa dhacday in maalin Jimce ah oo ka mid ah maalmaha anagoo dhawr caruur ah oo uu Awoowe u yahay Madaxweynahii ugu horeeyey ee Soomaaliya Eebe ha u naxariistee Aadan Cabdulle Cismaan. “Aadan Cade” ayaa naloo kaxeeyey beer uu lahaa awowgeen oo ku taalay Degmada Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxuu yiri Cabdi anaga caruurta aheyn ka sakow dad badan oo ehel aan aheyn ayaa awoowe la joogey dabeedna markii cabaar aan caruurteenii iska ciyaarnay ayaa waxaa inoo yeeray Awoowgeen Allaha u naxariistee Aadan Cade markaasuu dhamaanteen hal su’aal ina weeydiiyey waxuuna na yiri i maqla caruurteyda aan awoowaha u ahayow Qabiil waxa uu yahay ma taqanaan?

Markaas baa qaar naga mid ah ay sheegeen qabiilkooda qaarna waxa ay yiraahdeen may ma garaneyno. dabeedna waxuu nagu yiri caruuryahay ogaada ku dhaqanka qabiilka waa midka ku nacsiiya jaceylka wadankaaaga, waa midka ku nacsiiya muwaadinka soomaaliga ah ee walaalkaa ah,waa midka ku nacsiiya ka shaqeynta horumarka dalkaaga. marka waxaan idiin leeyahay Awooweyaal intaad nooshahiin qofna ha ku nacina inuu qabiil hebel ka dhashay ee keliya ku jeclaada Islaanimo iyo Soomaalinimo waxaadna ku nacdaan haduu dad idiin ku xigo ku dhaqanka qabyaalada iyo sidoo kale haduusan dadka iyo dalka u naxeyn.

Cabdi Maxamed waxuu yiri hadalka dardaaranka ahaa ee uu awoowgay Allaha u naxariistee Madaxweyne Aadan Cade uu na siiyey anagoo dhawr caruur walaalo ah haatana waqti dheer laga joogo Walaahi ma hilmaamo qalbigeyga ayuuna ku daabacnaan doonaa inta aan noolahahay.

Ugu dambeyntii wiilkaa soomaaliyeed ee magaciisu yahay Cabdi Maxmed waxuu dhambaalka uu ii soo direy kusoo gaba gabeeyey Cabdulahi Nur Colombo abti qeer alaha ku siiyo anigu qaran waan maqlaa laakiin wax uu yahayna ma aqoon laakiin adaa ii bartay qaran waxuu yahay sidoo kalena weli dowlad soomaaliyeed oo dalka oo dhan wada xukunta oo ka talisa maan arag laakiin dhabtii qoraalada aad la wadaagto walaalaha soomaaliyeed ayaan wax badan kaa bartay maskaxdana waad ii kobcisay waxaanan kaaga mahad celinayaa qoraalada aad axsaabta la wadaagto gaar ahaan kuwa wadaniyada ka hadlaya kuwaas oo aan aad ugu diirsado.

Dhinaca kalena Allaha u naxariistee Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan. “Aadan Cade” intii uusan geeriyoon isagoo ummadda soomaaliyeed la hadlayey ayaa waxuu yiri markii aan ku biirey ururkii dhalinyarada soomaaliyeed ee S.Y.L ee u halgamayey gobonimada soomaaliyeed ayaan waxaan ku dhaartay Soomaali ninka aabahay iyo hooyadey ay dhaleen iyo kan iigu shisheeya in ay isku mid ii yihiin.

Waxuu kaloo yiri Illaah baa igu og anigu intii tabartay ah waan u soo shaqeeyey dadkeyga iyo dalkeyga waxaana soomaali u soo jeedin lahaa in qof walba uu Maslaxadiisa gaarka ah inta uu meel iska dhigo uu ka shaqeeyo danta guud iyo heshiisiinta iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Xigasho: Abdulahi Nur Colombo.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.