Ankara(INO)- Dowladda Turkiga ayaa 543 garyaqaan iyo dacwo oogayaal hor leh shaqada ka ceyriyay, kuwaasoo looga shakisan yahay inay xiriir la lahaayeen inqilaabkii dhicisoobay ee bishii july la isku dayay in lagu afgambiyo dowladda Turkiga.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa ku adkaystay shaqo ka cayrinta inaysan wax u dhimayn cadaalada, laakiin ay horseedi doonto cadaalad dhab ah.
Sidoo kale Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in shaqo ka joojinta garyaqaanada iyo dacwo oogayaasha aysan daciifin doonin caddaalada iyo shaqadii ay hayeen.
Tan iyo bishii July dowladda ayaa cayrisay garyaqaano iyo dacwo oogayaal dhan 3,288, iyadoo ay dowladda xirtay tobanaan kun oo qof oo ay ku jiraan boliis, ciidan, garyaqaano iyo shaqaale kale.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku eedeeyay wadaadka mucaaradka ah ee Fetuhullah Gulen inuu ka danbeeyay isku daygii afgambi.