Madaxweynaha Sudan oo ku dhawaaqay inuu xukunka ka degi doono sanadka 2020

0
303

Khartum(INO)— Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa ku dhawaaqay inuu xukunka ka degi doono marka la gaaro sanadka 2020, oo ku eg muddo xileedkiisa.

Al-Bashiir oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay inuu daal badan dareemayo, sidaas darteedna ay mudadan ay noqon doonti tii ugu dambeysay ee uu xafiiska uu joogo.

“2020 waxaa dalka uu dooran doonaa Madaxweyne cusub, anigana waxaa noqonayaa Madaxweynihii hore”ayuu yiri Madaxweyne Al-Bashiir.

Waxaa uu beeniyay eedeymo cusub oo loo soo jeediyay Ciidamada Sudan oo ku aadan inay tacadiyo ka geysteen waqooyiga Gobolka Darfur.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in aanay jirin sabab ay ku joogaan ciidamada nabad ilaaliyeyaasha iyo kuwa gargaarka gobolka ay dhibaatada ka jirto ee Darfur.

Maxkamadda dambiyada dagaalka ee ICC ayaa horay ugu jartay ruqsad lagu soo xirayo, kadib markii ay ku eedeysay inuu galay dambiyo dagaal iyo xasuuq, hase ahaatee waa uu ku gacan seysay.

Bishii April sanadkii 2015 ayay aheyd markii Madaxweyne Al-Bashiir dib loo doortay, waxaa uu ku guuleystay 94% doorashadii dalkaas ka dhacday, inkastoo Mucaaradka ay qaadaceen.

Madaxweyne Al-Bashiir ayaa xukunka hayay tan iyo sanadkii 1989, xilligaasoo uu xukunka ku qabsaday inqilaab milateri

Idale News Online, Khartum

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here