Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo si diiran loogu soo dhaweeyey Kenya & Shirka Jaraa’id

0
254

Wafdi uu hogaaminaayey  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho labo cisho uga bilaabatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha ee Joma Kenyati Air Port.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki iyo xubno ka tirsan Golaha wasiirada Kenya, iyadoo booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ay tahay tii u horeysay tan iyo markii la doortay September.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa wafdigiisa ka mid ah Ra’iisul Wasaare xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha dibada Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Warfaafinta C/llaahi Ciilmooge Xirsi, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Faarah Sheekh C/qaadir, Danjire Yuusuf Dheeg iyo mas’uuliyiin.

Arrimaha ugu waa weyn ee labada Madaxweyne ka hadli doonaan ayaa waxaa ka mid ah howl galada ka socda Jubooyinka iyo Gedo iyo doorka Ciidamada Kenya, iyadoo la isla soo qaadi doono arrinta maamul u sameynta Kismaayo oo muran badan uu ka jiro.

Shirka Jaraa’id:

Madaxweyne ku xigeenka dalka kenya Kalonzo maziyoka ayaa akhriyay qoraalka shirka jar’id waxaana uu sheegay in marka hore dawlada kenya hambaliyo u direyso madaxweynaha somaliya,isla markaasina dawlada kenya ku faraxsan tahay isbadalada ka jira soomaliya oo u muuqata in ay soo hagaageyso.

“xiriirka dawalada cusub iyo kenya waa mid wanaagsan mana jiro wax carqalad ah oo labada wadan dhex-yaal xiriir saaxiibno oo qoto dheer ayaa waligood ka soo dhaxeyn jiray hadana ka dhexeya”ayaa lagu yiri shirka jara’ida oo akhrinayay madaxweyne xigeenka Kenya.

Sidoo kale waxaa ay labada madaxweyne si wadajir ah baaq ugu dirayaan wadamada ku jira Amisom iyo qaramada midoobay sifo loo sii kordhiyo waqtiga Amisom ay joogayaan dalka soomaliya,waxaana ay bogaadin u direen hawlgalka Amisom ee soomaliya ka socda.

Dawlada kenya ayaa lagu sheegay in ay diyaar u tahay wadashaqeyn buuxda oo ay la yelato dawlada soomaliya ee madaxweynaha uu ka yahay mudane xasan shekh maxmuud waxaana kenya ay cadeyneysaa sida lagama maar-maan u tahay wadajir iyo iskaashi dhexmara labada dawladood.

Arimaha qaxootiga soomaalida ee ku sugan ayaa waxaa la isku afgartay in dib loogu celiyo dalkooda soomaliya,sifo aan qasab ahayn iyo in beesha caalamka ka dalbadeen in ay ka caawiso sidii dib loogu celin lahaa qaxootiga soomalida ee ku sugan Kaakuma iyo dhadhaab iyaga oo aan la qasbeyn.

Ugu danbeytiin madaxweynaha soomaliya ayaa sii joogo doona dalka kenya,waxaana jira kulamo kala duwan oo madaxda soomalida iyo safaarada soomalida ee dalka kenya ay leeyihiin kaasi oo looga hadlaayo arimaha safaarada iyo soomaalida ku dhaqan dalka kenya.

Dowlada Kenya iyo urur goboleedka IGAD ayaa gacan saar buuxda la leh maamulka hadda ku sugan Gobolada Jubooyinka, waxayn qeyb weyn ka yihiin ololaha lagu dardar gelinaayo in maamul goboleed ka hanaqaado Jubooyinka iyo Gedo.

Idale News Nairobi